Qofkii Calan uun iska huwada Wadani maaha Qofkii Qabiil ka hadlana maaha Qabyaaladiiste.

Qofkii Calan uun iska huwada Wadani maaha. ofkii Qabiil ka hadlana maaha Qabyaaladiiste.

Inagoo wada og dhibka uu geysan karo Qabiil hadii si qaldan loo isticmaalo ayaa hadana waxaan nahay dad ku nool Qabiilka dhinac kasta, ha ahaato siyaasad, Dhaqan iyo xataa Deegaan oo waayahan danbana ayba ku milmeen Diintii, Sportigii iyo Fankii, mararka qaarna waaba la isku shukaansadaa oo la isku guursadaa ina adeer ku jecliyaa.

Hadeyba sidaa tahey maxaan isku indha tirnaa oo hadii la arko qof soo qorey magac Qabiil loo suuroodaa oo afka loo furtaa “Ceeb, jooji Qabiilka, Xishoo, uf weeye Qabiil” sow taas micnaheedu maaha aan qudbo siro ku qabno qabiilka hoosna isaga xaaxaabino.

Walaalayaal Qabiil ceeb maaha ilaah naga dhaliyay hakuu dheeraado ama hakuu gaabnaado, waxaase qalad ah inaad qof asaagaa ah amaba kaa qiima sareeya ku nacdid qabiilkiisa ama qabiilkeeda dartiis.

Waxyaabaha iga qosliya waxaa kamid ah hadii wax laga sheego qof waxaa si indha la’aan ah kuusoo galaya reerkiisa iyagoo iska indha tira Qaladkii lagu haystey, isla dadkii baa hadana arkeysaa iyagoo dhahaya ma fiicna qabiilka.

Almuhiim iyo gabogabo Qabiilku Qalad maleh hadaan la qaloocin, mana nagu jiro qof dadkiisa moog ee isku barta sidey diintu nagu tiri iskuna xushmeeya, ogaadana in la is dheer yahey tayo qofeed iyo karti ee aan Qabiil la is dheereyn kuna qanac inta qof laandheere sheegta hadana kabo la’aan lugeeya aqoona warkeedaba daa……. intaas ma isla fahaney..?

Ha inkirina hana caabudina ee bal aayar aayar.

Maxamed Deeyoo

You might also like More from author

Comments are closed.