PUNTLAND Maxeey Ku Gaartay Heerka Ay Taagan Tahay, Inta Kalana Maxaa Dhigay Meesha Ay Maanta Yaallaan

Hooyada Federaalka Soomaaliya, PUNTLAND, caruur ma dhalin, waxeeyse isku soo aruursatay caruur koris ah (adoption) oo nolosha qoys dhisan in ay noqdaan aan u tarbiyeysneyn .

Mid la arkaa wuxuu raadinayaa uun wax uu cuno kaliya, kama maqno mustaqbal hagaagsan. Maxaan ula yaabayaa, marba haddeysan fahansaneyn Qoyskan Federalka ah sida ay ugu dhax noolaan lahaayeen, baddalkeedina caqliga uu ka galay caloosha, in labuuxiyo kaliyana ay u nool yihiin.

Puntland marka aad ka eegto magaca aan soomaaliga aheyn iyo qaabka loo maray aasaaskeedaba, waxaa kugu soo dhacaayo Somaliland. Waxa ay ku kala duwan yihiinna waa in uu midna gaar uga istaagay Soomaaliya inteeda kale, midka kalana uu dhistay nidaam bilow u ah Soomaaliya cusub oo federal ah.

Wax badan kuma fogaanayo wixii laga soo maray dhismaha Puntland, waxa aan ka xusayaase qaabkii loo dhagax dhigay oo aheyd in shir weyne loo qabtay beelaha deggen goboladaas, ayna kasoo qeyb galeen odayaashi dhaqanka oo isugu jira duubab/isimo iyo nabadoonno, culimaa’udiin, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato, u dhaqdhaqaayaal bulsho oo rag iyo dumarba leh iyo cid kastoo magac iyo maamuus ku laheyd beelaha degaanka iyo guud ahaan soomaalida dhaxdeeda. Waxey ku heshiiyeen in ay sameystaan maamul leh hannaan dowladeed oo dhameystiran, leh golayaal kala madax bannaan, leh ciidamo amni iyo hay’ado garsoor. Iyo tan ugu muhiimsan oo ah in ay qorteen axdi bulsho oo raalli laysaga yahay.

Laamaha dowladda waxaa ka soo dhax muuqday dad magac ku dhax leh soomaalida, xilal waaweynna kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray. Haddeey tahay xukuumad, Baarlamaan, hoggaanka ciidamada iyo garsoorkaba waxaa isugu tagay dad qibrad u leh dowlad nimada. Duruufihi waagaas jiray dartood, tayadooda iyo tabartoodaba ha iska liidato, laakiin dowlad dhameys tiran bey aheyd. Wax ay kacaa kufto oo mararka qaarna khalkhal galaaba, weli halis uma galin in ay burburto. Sababtuna waxey aheyd in aas-aaski horaba uu dhagax adag ka sameysnaay. Waxeey soo gaartay marki dambe in doorashadi uu ku soo baxay Dr. Cabdiweli Gaas oo tartan adag uga guuleystay Dr. Cabdiraxmaan Faroole, loo madax banneeyay guddigii qabanqaabada oo si siman ula dhaqmaayay madaxweynaha xilka haayay iyo murashixiintii kale. Waxaa si gaar ah iisoo jiitay, oo aanna ku faanayaa waliba inuu ahaay shaqsi soomaali ah oo sharaf badan, taliye Gen. Siciid Dheere oo dowr shariif ah ka qaatay xilligii doorashada. Middaan foodda inagu soo haysana waxaan rajeynayaa in ay kasii qurux badnaato tii kal hore, iyadoo waliba sare u kacay dhaqaalihii iyo bilicdii magaalooyinka. Kaabayaal dhaqaale oo badanna la hirgeliyay.

WAATAHAY! Aan usoo gudbo maamuladan kale ee ku dhismay uun sideen ku bariiseysannaa. Dhammaan waxeey isaga mid yihiin: in ay ka taliyaan caasimadaha kaliya. Laguma soo dhisin shirar dib u heshiisiin oo dhab ah. Waxaa beelaha matalaayay odayaal gacan ku sameys ah iyo qaar la sheegay in ay soo wakiisheen Duubabkii dhaqanka. Xildhibaanada oo leyska soo qortay qofkii la rabo. Marka laga reebo madaxtooyada, uma dhisno hay’adihi kalee dowliga ahaay. Ma shaqeeyo baarlamaankooda illaa mar ay hunguri doon yihiin ama uu madaxweynaha u yeerto maahane. Hay’ado amni iyo garsoorba iska illow.

Waxaa u shaqo taga oo xilal ka qabta maamuladaan, dadka xiiseeya siyaasadda, oo ama darawal u ahaan jiray qof mas’uul ah (siyaasi), ama BBC iyo VOA aad u dhageysan jiray doodaha ka baxa. Tayada dadka ku jiro Baarlamaanada, golayaasha wasiirada, saraakiisha ciidamada iyo garsoorka magac-uyaalka ahba, haddaad u fiirsato waxaa kugu soo dhacaayo raggii ka dhax qaraaban jiray guryaha qabqablayaashii dagaalka. Qof kastoo sumcad lehna haddii la weydiiyo, inta uu xil qaran ka helaayo, bal in uu Dowlad Goboleedkiisa wax kasoo badali karo, wuxuu u qaadanayaa in la af lagaadeynayo.

Waa yahaye, Marfish la isaga marqaamo miyaan maamul gobaleed ku tilmaamnaa? Mise Mashruuc ay rag lacago ku aruursanaayaan ayaan dowlad ugu yeernaa? FEDERALKU sow ma aheyn in gobol walbo isa soo dhiso, ilihiisa dhaqaalana horuu mariyo, mise MICHAEL KEATING kista uu bixiyo magac lagu cuno ayuu ahaay, AMISOM na ay dusha ka ilaaliso?

Magaciin ba’yee, meesha hanagu habsaaminina, ama wax muuqdo oo macno noo sameynaayo noo hagaajiya. Dad mudanoo milgo lehna madax nooga dhiga.

OMAR ABDULLAHI OMAR

You might also like More from author

Comments are closed.