Madal Looga Hadlayay Isbaddalka Geeska Afrika Iyo Saameynta Soomaaliya Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

0

Madashii xalay ee Ifiye oo uu marti ku ahaa Dr. Saadiq Eenow, waxaa diiradda lagu saaray “Isbeddelka siyaasadeed ee Itoobiya iyo saameynteeda Geeska Afrika”.

Inta ay madashu socotay waxaa lagu wadaagay aragtiyo, aqoon iyo ogaal garaadka ka soo qeyb-galayaasha wax badan ku kordhiyay.

waxaa si gaar ah loo lafa guray sameysankii Itoobiyada casriga ah, loolanka Soomaalida iyo Itoobiya, saameynta uu yeelan karo isbeddelka Itoobiya ka curtay iyo sida ugu habboon oo ay tahay in Soomaalidu u wajahdo. Gunaanadka madashana, ka soo qeyb galayaasha madasha ayaa fursad loo siiyay wixii weydiimo iyo aragti ku darsi ah.

Inta ay goorta iyo/ama goobtu u diidday imaanshaha madasha, waxaan la wadeegeynaa in Eebbe idankiis aan degelka YouTube ka soo gelin doonno muuqaalka madasha oo dhameystiran.
waxaa iyana xusid iyo mahdin mudan PIZZA HOUSE oo xil gaar ah iska saartay qabsoomidda madashii xalay iyo habsami socodkeeda ba.

Ugu danbeyn, ka Ifiye ahaan, waxaa naga go’an in aan joogteynno madallada nuucaan ah ee kulminaya fikradaha xorta ah ee indheer-garadka Soomaalida, si loo helo bulsho Soomaaliyeed oo garaadkoodu sarreeyo misna ay hagto aqoon ku dhisan dhaqan suuban taas oo ku wada nool nabad iyo horumar.

Mahadsanidiin,
Bahda Ifiye.

Fb Img 1532451933411

Fb Img 1532451937791

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

%d bloggers like this: