Khayre Oo Laf Dhuun Gashay Ku Noqday Farmaajo& Xaalada Halis Ah Oo Taagan!

0

Madaxweyne Farmaajo oo wajahaya caqabado baddan oo ugu imaanaya R/wasaare Xasan Cali Khayre kadib khilaaf ka dhashay Masuuliyiin Khayre Xilka ka qaaday halka kuwa kale xilalkii aay haayeen cuuryamin ku sameeyay kuwaasi oo dhamaantood ku dhuwaay Madaxweyne Farmaajo hormuudna u ahaay Ololahiisa doorashada.

R/wasaare Khayre oo bilooyinkii ugu danbeeyay bilaabay in uu mid mid xilalka ugu qaado Masuuliyiintii sida aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbeyn Madaxweyne Farmaajo ka biyo diiday in soo jeedin xilka laga qaado Taliyaha Nabad Sugida Xuseen Calool kuus oo kamid ah saaxibada sida weyn ugu dhow Madaxweynaha taaso keentay in R/wasaare Khayre Siyaasadiisa wax ka badal ku sameeyo xariir dhowna la yeesho shaqsiyaadka Farmaajo aadka  u neceb yahay.

R/wasaare Khayre ayaa Safiiro dhowr ah oo la magacabaay ku soo daray C/risaaq Shoole oo ah Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomalia kana mid ah Masuuliyinta sida weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo si u kala fogeeyo iyadoo durbadiina R/wasaare Khayre safar ku aaday Maamulka Puntland .

Khayre ayaa ku xumaaynaya Safarkiisa Maamulka Puntland Madaxweyne Farmaajo maadama xurguf Siyaasadeed ka dhaxeeyso Cabdiweli Cali Gaas oo ah Madaxweynaha Maamulkaasi iyo Madaxweyne Farmaajo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

%d bloggers like this: