Afar Cashir Oo Aan Ka Baran Karno Kulankii Kheyrre Iyo Odayaasha Muddulood!!

Afar Cashir Oo Aan Ka Baran Karno Kulankii Kheyrre Iyo Odayaasha Muddulood!!

0

Kaddib markii uu kulan la yeeshay R/W Kheyrre dhiggiisa odayaasha muddulood shabakadda wararka ee Shaaciye ayaa idin soo gudbineysa afar waxyaabood oo laga bartay kulankaas.

    1. In Odayaashu yihiin gundhigga ummad kasta:- nasiib darro siyaasiyiinta Soomaalida keliya laba xilli ayeey xasuustaan odayaasha dhaqanka, waana marka ay jirto doorasho iyo marka uu jiro khilaaf si uu ugu awr kacsado, ha yeeshee mid kasta wuxuu gartaa muhiimadda oday dhaqameedka marka ay is qabtaan awoodda ka sareysa, sidaa darteed waxaa halkaas ku cad muhiimadda ay odayaasha u leeyihiin geeddi socodka bulshada iyo siyaasadda gebi ahaanba.

  1. In Kheyrre uu joogo xilli rafashada:- Shaki kuma jiro haddii aysan jiri lahayn khilaaf xooggan in uu kulankaas kusoo aadi lahaa xilli noocan oo kale, ha yeeshee cashirka aan ka barannay waa in Kheyrre cadaadisku ku badan yahay Markan, sidaa darteedna odayaasha uu u arko meel ugu yaraan lagu nafisi karo.

  2. In Qof walba uu ogaado cidda uu ka dhashay:- ka dhalashada iyo u dhalashada waa kala labo, waxaa muhiim ah in uu qofka ogaado cidda uu ka dhashay ee uusan ogaan cidda uu u dhashay, malaha waa aad is weyddiineysaa farqiga labada erey, ka dhalashada waa in qofka uu yaqaanno waajibka iyo mas’uuliyadda ka saaran reerkiisa iyo xuquuqda uu ku leeyahay, halka tan kale ee u dhalashada ay caddeyneyso in keliya dhalashada uun lawadaago oo aysan jirin wax kale oo dheeri jirin. qofka marka uu tan hore qaato wuxuu la soo noqdaa dhib iyo dheefba cidda uu ka dhashay, sidaa darteeda Kheyrre hadda ayuu ogaaday ayeey leeyihiin dadka qaar ee siyaasadda falanqeeya.

  3. In Kheyrre yahay qof weli u baahan in uu siyaasadda galaangal ka sameeyo:- la falgalkiisa dhalinyarada aad ayuu u wanaagsanaa, hablaha haka reebin, ha yeeshee markan waxa uu usoo jeestay dhanka odayaasha, taas oo muujineysa in uu doonayo in uu sii lahaado galaan gal siyaasadeed oo baaxad weyn.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.

%d bloggers like this: